Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen ilaa 22-xisbi siyaasadeed ayaa isku afgartay dhammaanba ajandayaashii miiska u saarnaa oo u badnaa guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee uu maanta marayo dalka, khilaafka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo qodobo kale.
Waxaa ka mid ahaa go’aanada ay maata soo saareen axsaabta siyaasadda inay cambaareynayaan daandaansiga iyo aflagaadada ay qaar ka mid ah madaxda Kenya ku hayaan dalka Soomaaliya.
“Xisbiyada siyaasadda dalka waxay ku wargelinayaan daneeyayaasha iyo diblomaasiyiinta Soomaaliya inay qatar ku jirto madax bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaddib markii ay cadaatay amar diido iyo faragelin cad oo ay sameeyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Kenya” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xisbiyaasadda maanta kulanka ku yeeshay Muqdisho.
Xiriiriyaha xisbiyada siyaasadda dalka ahna Guddoomiyaha xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux (Tima Jilic) ayaa Qoraalka ka soo baxay xisbiyaasadda Soomaaliya waxa uu u akhriyay warbaahinta, waxaana go’aanada la soo saaray ka mid ahaa in xisbiyadu caddeynayaan inaysan habooneyn in laga aamuso faragelinta qaawan ee lagu hayo arrimaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha xisbiga Midawga Nabadda iyo Dimoqoraadiyadda C/llaahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa madaxdii halkaasi ka hadashay ayaa hoosta ka xariiqay arrimo dhowr ah, isagoona jawaab u diray aadan Barre Ducaale oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya, kaasi oo ka qeyb galay munaasabadda caleema saarka Madaxweynenimo ee Axmed Madoobe.
“Aadan Barre Ducaale haddii uu Kismaayo ka sheegay inaysan ka tanaasuleyn taako ka mid ah dhulka Kenya, anaguna waxaan leenahay kama tanaasuleyno taako ka mid ah dhulka Soomaaliya” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo ugu baaqay Dowladda Federaalka inay qaaddo tallaabooyin la mid ah tan Kenya.
Dhinaca kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha xisbiyasadda ee ka qeyb galay kulankaasi, iyagoona ku booriyay madaxweynayaashii hore iyo xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Federaalka ee tegay magaalada Kismaayo inay sii hurinayaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka jira.
Magacyada 22-ka xisbi ee soo saaray go’aanada waxay kala yihiin:-
- Xisbiga Nabadda Midnimada iyo Dimoqoraadiyadda
- Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed
- Xisbiga U hiili dadkaaga
- Xisbiga SAMO
- Xisbiga Sinnaanta Midnimada Nabadda
- Xisbiga Samadoon
- Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed
- Xisbiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed
- Xisbiga Cadaaladda iyo Badbaadada
- Xisbiga Midnimo Qaran
- Xisbiga Qiimo Qaran
- Xisbiga XIIS
- Xisbiga Shaqsiyadda iyo Wadaniyadda
- Xisbiga Aayaha Shacabka
- Xisbiga Horumarinta
- Xisbiga Jiinka iyo Xeebaha
- Xisbiga Midnimada Soomaaliyeed
- Xisbiga TIIR
- Xisbiga Dalka iyo Dadka
- Xisbiga Dowlad Wanaag
- Xisbiga Wadaniga Soomaaliyeed.
- Xisbiga Golaha Dimuquraadiyada Qaranka















