Maraakiibta Sida Sharci Darada ah Uga Kaluumeysta Badda Soomaaliya oo Puntland Shaacisay Tiradooda.

0
538

Dowlad Gobolleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay sahaciyay tirada iyo dalalka ay ka soo jeedaan Maraakiib si sharci darro ah uga guuleysta xeebaha deegaannada uu maamulku ka armiyo.

Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ayaa sheegtay in ay maraakiibtaan yihiin kuwo ku caan baxay kaluumeysiga sharci-darrada  iyo gurashada kheyraadka ku jira Xeebaha Maamulka Puntland

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda  Faraax Cawaash oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay  In ilaa 18 Markab oo laga kala leeyahay dalalaka Iiraan, Hidiya, iyo Paskistaan yihiin kuwo si sharci darro ah uga Kuuleysta deegaannada Xeebaha Deegaannda Puntland.

Baaritaano ayuu sheegay in ay ku hayaan Shirkaddo kale iyo Maraakiib  Shisheeye oo aan shatiyo ka heysan Wasaaradiisa ,islamarkaana ka mid ah  kuwa sida sharci-darrada ah u kalluumeysta.