Xulka Kubadda Cagta Zimbabwe Oo 3-1 Kaga Adkaatay Xulka Qaranka Soomaaliya.

0
545

Xulka kubadda cagta Zimbabwe ayaa 3-1 kaga adkaaday xulka Soomaaliya, cayaar ka tirsaneyd wareegga koowaad ee is-reeb reebka loogu soo baxayo koobka adduunka ee 2022.

Zimbabwe ayaa daqiiqaddii 77-aad ee cayaarta ku hormartay hoggaanka, hase yeeshee Soomaaliya ayaa barbareysay daqiiqaddii 85-aad, kadib gool uu dhaliyey Cumar Maxamed.

Soomaaliya ayaa u baahneyd inaan shanta daqiiqo ee u dambeysay cayaarta aan laga dhalin wax aan ka badneyn hal gool, si ay usoo gudubto waxayna u ekeyd wax aad u adag in Zimbabwe ay laba gool la timaado daqiiqadaha yar ee cayaarta ka haray.

Hase yeeshee Zimbabwe ayaa labada gool dhalisay daqiiqadihii 86-aad iyo 90-aad ee cayaarta, kuna adkaatay 3-1.

Zimbabwe ayaa wareega xiga ee is-reeb reebka koobka adduunka ugu gudubtay cel-celis ah 3-2, maadaama Soomaaliya ay lugtii koowaad kusoo adkaatay 1-0.