Hal ruux ayaa ku dhaawacmay tiro kalena waa la qabqabtay dhuxulaysato duulaan lagu qaaday degaano kala duwan oo ka tirsan koonfurta Sanaag iyo waqooyiga Sool.
Ololaha lagula dagaalamayo dhuxulaysatada ayaa lagu go’aamiyey shir dhowaan ka dhacay tuulada Damala-xagare, kaas oo ay beelaha degaankaasi ku go’aansadeen in la badbaadiyo degaanka.
“Hawlgalkan waa mid la doonayo in lagu badbaadiyo dhulka soolka ah ee u dhexeeya gobolada Sool iyo Sanaag, waxaan laysla gartay in cidii lagu dilo aan laysu raacin, waxaana kuu sheegayaa waa cadow duulaan ku ah dad iyo duunyoba” sidaana waxaa Warbaahinta u sheegay Xidig Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah odayaasha degaanada haatan laga hawl bilaabay.
Hawlgalkan oo dhaliyey iska hor imaad hubaysan ayaa maanta waxaa ku dhaawacmay hal qof waxaana la qabtay sida Xidig noo sheegay illaa afar gooboodna waa la baabiiyey.
Waxaa si wadajir ah hawshan u fulinaya ciidnka Booliska, Milateriga iyo ciidan beeleed wadajira.
Degaanada haatan hawshu aadka uga socoto ayaa ah Fiqifuliye oo gobolka Sanaag ah iyo Kulaan oo Gobolka Sool ka tirsan degaano hoos yimaada.
Maaha markii ugu horeysey ee hawlgal noocan ah laga fuliyo degaanadaas oo hoy u noqday kuwa warjeefa dhirta qoyan, waxaase lays weydiinayaa inta uu sii socon doono maadaama ciidamadani aanay haysan dhaqaale u saamaxay joogtaynta illaalinta degaanka, waana ta sababtay in ay soo nonoqto dhuxulaysatadu.











