Taliyaha Ciidanka Boliiska Dalka Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa Maanta Xarunta Taliska Ciidanka boliiska kulan kula qaatay Saraakiil ka socota Safaarada Turkiga ee muqdisho qeybteeda U qaabilsan Tababarada boliiska soomaaliyeed.
Saraakiishan ayaa warbixin dheer ka siiyay Taliyaha Tababarada ay Gacanta Ku hayaan iyo waxyaabaha u qorsheysan mustaqbalka dhaw. Taliyaha Ciidanka Boliiska S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa dhankiisa Soo dhaweeyey Xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Kan Turkiga asagoo ku bogaadiyey inay sii wadaan gacan siinta Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamadooda kala Duwan.
Ugu danbayn Taliyuhu wuxuu balan qaadey inuu albaab kasta u garaaci doono sidii wax loogu qaban lahaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.



.






