Safiirka Britain ee Soomaaliya, Ben Fender ayaa maanta tegay magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kula kulmay madax uu ka mid yahay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyagooona ka wada hadlay xaaladaha maamulkaasi iyo arimo kale.
Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Britain iyo Somaliland, arrimaha amniga iy doorashooyinka Somaliland waxaana uu safiirka maamulka soomaalinad u balanqaaday in ay ka caawin doonaan mashaariic farabadan oo wax tar u leh somaliland.
Ugu dambey markii uu kulanka usoo gaba gaboobay safiirka iyo madaxweynaha somaland ayaa waxa uu kormeer gaaban uu ku sameeyay xarumo badan kuwaasoo uu sheegay safiirka in ay dowlada Britain ay ka taakuleen doonto dhismo lagu sameeyo xarumahaasi.






