Safiirka Soomaaliya Ee Maraykanka Oo Warqadaha Aqoonsiga Laga Gudoomay.

0
618

Danjire Cali Shariif Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday dalka Mareykanka Amb. Cali Shariif Axmed ayaa laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqadihiisa Aqoonsiga, Mary-Kate Fisher Kuxigeenka Madaxa Protocol-ka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa safiirka ka gudoontay warqadaha Aqoonsiga.

Amb. Cali Shariif ayaa laga soo bedelay dalka Itoobiya oo muddo lix bilood uu ka ahaa Safiir, sidoo kale waxaa uu Safiir ka soo noqday dalka France, Cali ayaa bedelaya Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo horay xilkaan u baneeyay.

5tii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya ayaa maraykanka u magacawday 3 safiir oo uu ka mid ahaa Raisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

.