Safiirka Dalka Turkiga U Fadhiya Soomaaliya iyo Taliyaha Booliska Soomaaliya S/G Xijaar oo Kulan Muqdisho Ku Yeeshay.

0
563

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xassan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga Mehmet Yilmaz.

Taliyaha iyo safiirka ayaa kawada hadlay xiriirka Booliiska  Soomaaliya iyo kan Turkiga iyo mashaariic kala duwan oo dowladda Turkiga uu ka  taageeri doono Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed  iyo qodobo kale.

Sareeye Gaas Cabdi Xassan Maxamed ( Xijaar) ayaa u mahad celiyey  Safaarada iyo Booliiska Turkiga sida ay markasta u garab taagan yihiin  Ciidanka Qalabka Sida iyo guud ahaan Dowlada Soomaaliya.