Ra’isul Wasaare Khayre Oo Baydhabo Kula Kulmay Ururada Haweenka iyo Ganacsatada.

0
103

Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Baydhabo kulamo kula yeeshay ururada haweenka ee Koonfur Galbeed iyo Rugta Ganacsiga deegaanadaas.

RW.Khayre ayaa ku booriyey haweenka inay ka qeyb qaataan dadaalka lagu sugayo amniga isla markaana ay kaalin weyn ku leeyihiin horumarinta dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in xaquuqda haweenka ay muhiim tahay maadaama ay yihiin kala bar bulshada.

Wuxuu Raysalwasaaraha sidoo kale u mahadnaqay Ganacsatada dadaalka ay wadaan iyo kaalinta ay ka qaadanayaan dib u dhiska dalka Soomaaliya.