Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi siinayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa uga digay madaxda sare ee dalka in ay sameystaan muddo korarsi marka uu dhamaado waqtiga loo idmaday in ay dalka hoggaamiyaan.
“Lama aqbali doono wax la yiraahdo muddo kororsi, maxaa yeelay dalkaan wuxuu ku jiraa geeddi socod siyaasadeed oo loo horseedayo inu hey’adihiisa caga dhigtaan, inta taas lagu jiro wada tashi iyi isku tanaasul baa saldhig u ah”ayuu yiri Saciid Deni.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay illaa iyo hadda heshiis ku tahay in doorashooyinka dalka in xilligeeda dhacaan, isla markaana ay soo taxneyd illaa xilligii Mbaghathi, intii madax isaga kala dambeysay heshiiskaas u soo socday, balse aanan la aqbali doonin muddo kororsi.
“Wax Soomaali heshiis ka tahay waxaa ka jira illaa hadda oo hirgalay waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, Illaa Mbagathi 2004 dowladdihii intii madax isaga kala dambeysay heshiiskaas ayaa lagu socday, dib u dhac marna ma imaan, muddo kororsina ma imaan marka ma rajeyneyno arrimo noocaas ku jiraan in ay dhacaan, waxay dib u celineysaa in Soomaaliya halka arrin u qabsamoomay inay dib uga noqoto, hada waxaa u qabsoomay afar sano kasta in la is doorto, kaasaa rajeynayaa in aysan caqabad gelin, haddii tii la rabay la qaban waayo, in kuwo xilligii hore la qaban jiray la sameeyo oo la dhaho maxaa noo dan ah”ayuu yiri Saciid Deni.











