Gaari Miino Lagu Xidhay oo Muqdisho Maanta Ku Dhex Qarxey iyo Khasaaraha Uu Gaystey.

0
558

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax lagu soo xiray mid ka mid ah gaadiidka aan rasaastu karin Bulletproof  oo ka dhacay meel aan ka fogeyn Isgoyska Zoobe KM5 magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhaawacmeen Labo ruux oo mid ka mid ah uu ahaa qof u dhashay dalka Turkiga, laakiin lama sheegin wax khasaare dhimasho ah oo uu sababay qaraxan;

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka iyo kuwa lagu aaso dhulka ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo dhowaan duleedka Muqdisho ay ku dhaawacmeen qarax miino labo ka mid ah Injineerada dhismaha ka wada wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen Laamaha Nabad-galyada qaraxyada soo cusboonaaday ee ka dhacay magaalada Muqdisho saacadihii ugu danbeeyay, waxaana xusid mudan in qarax shalay lagu weeraray gaari ay saaraayeen saaraakiil ciidan uu sababay dhimashada Labo sarkaal oo ka tirsanaa militariga Soomaaliya.