Taliska Booliska Somaliya ayaa ka hadlay xarigga Magaalada Muqdisho loogu gaystay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi rashiid Janan oo dowladda shalay ay ka xirtay Garoonka Aadan Cadde.
Qoraalka ay soo dhigtay Boggeeda Twitter-ka Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliya ayaa waxa ay ku sheegtay Ciidamada Booliska inay xireen Cabdi rashiid Janan.
Waxa ay sheegtay inuu ku eedeysan yahay tacadiyo uu gaystay, islamarkaana Booliska baaritaan ay ku sameynayaan kiiskaasi.
Xilligii Ciidamada Booliska ay xiraayeen Cabdi rashiid Janan, ayaa wuxuu u socday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo safar ku sii ahaay Garoonka Aadan Cadde.






