Dhawaaca Nabadoon Xaley Lagu Weerarey Kismaayo oo Maamulka Jubaland Ka Hadleen.

0
490

Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa faah faahin dheraad ah ka bixiyay toogasho xalay ka dhacay magaalada Kismaayo oo rag hubeysan ku bartilmaameedsadeen Avv. Axmed Jaamac Qalyar.

Rag hubeysan ayaa mas’uulkan oo dhinaca kale ka tirsanaa waxgaradka gobolka ku weeraray mid ka mid ah  xaafadaha Kismaayo, waxaana soo gaaray dhaawac, waxaana dhaawiciisa lagu  daweynayaa Isbitaalka weyn ee Kismaayo.

Afhayeenka Laamaha Amniga  Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xusseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyay  dhaawaca nabadoonka, isagoo xusay in xaaladiisa ay ka soo reyneyso.

Warar kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka soo baxayay xaalada dhaawaca ee nabadoonka, hase ahaatee waxaa haatan la sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay.

Waxaa la sheegay in Avv Qalyar  uu ka mid ahaa garabka ka soo horjeeda madaxweynaha dib loo doortay Axmed Madoobe, gaar ahaan hoggaankii isbaheysiggii isbadal doonka Kismaayo.