Ciidamada Xooga Dalka Oo Maanta Weeraray Saldhigii Al Shabaab Ee Jilib-Marka.

0
1193

Guutada 14aad ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay la wareegeen goobo fariisimo u ahaa oo ay kooxda Al Shabaab ku lahayd deegaanka Jilib ee duleedka magaalada Marka ee gobalka Shabeelada Hoose.

Dagaalkan ayaa daba socda hawlgalo ay bilihii lasoo dhaafay ciidamada Dowlada Federaalka ka wadeen dhulka Shabeelada Hoose oo ay qeybo badan oo kamid ah ku sugan yihiin xoogaga Al Shabaab.

Hawlgalkan ugu danbeeyey ayaa lagu soo beegay xili la filayo inuu magaalada Marka booqasho ku tago Raysalwasaare Xasan Cali Khayre oo maalmihii lasoo dhaafay safaro ku marayey deegaano ka tirsan maamulka koonfur Galbeed.

Ciidamada SNA, kamandooska iyo kuwa kale ee dowlada ayaa horey xoogaga Al Shabaab uga qabsaday deegaano dhulkaasi hoos taga sida Awdhiigle oo ay saldhig weyn ku lahaayeen.