Xisbiyada Siyaasada Iyo Gudiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Ee Golaha Shacabka Oo Maanta Ku Kulmay Muqdisho.

0
45

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay kulamo la yeelanaayay qeebaha kala duwan ee bulshada si ay uga dhageeystaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka Iyagoo Maantana Hotelka SYL kula shireen xisbiyada siyaasadda.

Shirkani uu guddiga la yeeshay xisbiya ayaa waxaa shir gudoominaayay Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji guddomiyaha guddiga KMG ah ee Diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka .

Kulanka ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa siddii uu guddiga u dhagaysan lahaa waxyaabaha ay ka qabaan Axsaabta siyaasadda dalka shariciga doorashooyinka qaranka ee uu xilligaan ka gacanka ku haayo diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka.

Madaxdii ka socotay Axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka Qaar ka mid ah ayaa guddiga waxa ay kaga mahad celiyeen sida ay uga talo galiyeen diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee haatan horyaalo Golaha shacabka.

Gunaanadkii Kulankan ayaa guddiga KMG ah iyo axsaabta waxa ay mar kale ku balameen in ay yeeshaan kulan kale oo ay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka uga wada hadlayaan.