C/qaadir Cusmaan Faarax ayaa Maanta Lagu Dhawaaqey In uu yahey Murashaxa Xisbiga Garsoor uga Qayb Galaya Doorashada Jubaland,iyadoo Munaasabad Qado ah oo Si Heer Sare ah ay Kasoo Qayb Galeen Xildhibaanada Golayaasha Federalka Kuwa M/goboleedyada,Madaxda Axzaabta Siyaasadda Dalka,odayaasha Dhaqanka,Haweenka Dhalinyarada Culimada,Fannaaniin,Abwaano Saraakiil,iyo Warbaahinta Gudaha iyo Debedda.
Aayadaha Qur;aanka kadib ayaa waxaa Madasha Ka Hadley Wax garad iyo Qaybaha Bulshada Sida Nabadoono,Siyaasiyiin,Haween,Dhalinyaro,Xildhibaano,Gudoomiyeyaal Xisbi iyo Madaxda Xisbiga Garsoor Iyagoo Dhamaantood Tilmaamey In Murashaxu Ku Haboonyahey Xilka Loo Sharaxey Xisbigiisuna Soo Xulay Sida uu Sheegay Gudomiyaha Xisbiga Garsoor Xildh Sakeriye Maxamuud Xaaji.
Sidoo Kale Waxaa Madasha Ka Hadley Gudomiye Ku Xigenka Xisbiga Himilo Qaran Xildh Cilmi,Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka C/raxmaan Saleebaan Jaamac,Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux Timajilic,ahna Xiriiriyaha Xisbiyada,Fannaanada Caanka ah Faadumo Nakruumo,Sidoo Kalena uu Madasha Ku Sugnaa G/kuxigenka Xisbiga Midnimo Qaran, ex- Xildh Ibraahim Saalax Dayfallah iyo Kuwo kale Iyagoo Dhamaantood U Hambalyeeyey Xisbiga iyo Murashax C/qaadir Cusmaan Faarax Isla Markaasna U Rajeeyey Guul iyo horumar in ay kala Kulmaan Doorashada Jubaland,Shahaado Qiimo Badana Lagu Gudoonsiiyey Murashaxa.
Ugu Danbeyntiina Waxaa Madasha Ka Hadley Murashax M/weyne C/qaadir Cusmaan Faarax oo Sheegay In uu Ku Kalsoonyahey Hadii Xilkaas Loo Doorto In uu La Imaan doono Qodobo iyo Qorshayaal Cad Cad oo Wax Looga Qabanayo Amniga,Dhaqaalaha,Tacliinta,Wax Soosaarka Kaluumeysiga iyo Beeraha,Isla Markaasna uu Sirdoonka Jubaland Qaab Cusub oo ay ku Hawl galaan uu La Imaan Doono,Lana Qaybiyey Buugga Manifesto ay Ku Cadyihiin Qaabka uu Murashax M/weyne C/qaadir Wax Uga Badeli Doono Deegaanada Jubaland oo Dhan.













