Madaxweynaha Galmudug oo maanta khudbad ka jeediyay shirka mid ka mid ah beelaha Galmudug uga socda Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayuu ku soo hadalqaaday khilaafka soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunada Galmudug.
Madaxweynaha ayaa marka hore sheegay laba bilood ka hor in ay Dowladda Federaalka ku soo dhaweeyen Gobolada Dhexe, bal wixii ay qaban karto inay qabato, ka dib markii uu khilaafkii ku batay Galmudug.
“Laba bilood ka hor waa tii Dhuusamareeb markii aan ka soo tagnay Dowladda Federaalka la hadalnay, mar haddii aan arkay in Dhuusamareeb, Cadaado iyo caradii ay xoogaa tashwiish galay ayaa waxaan ku soo dhaweeyay Dowladda Federaalka shaqo ha qabato, bal wixii ay qaban karto ha qabato.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
Waxa kaloo uu yiri “Hadafkeygu wuxuu ahaa Xeraale iyo Hawshu isu geeyaan, Dhuusamareeb iyo Cadaado isu geeyaan, Ahlu Sunadii hore iyo Galmudug-ta cusub isu dhow, isu soo dhaweeyaan, wixii jira ka shaqeeyan. Maadaama anaga yabyabtii iyo dhibaatadii nagu badatay yaan bal niri aan u kaadino markaan aan ku eegno Dowladda Federaalka.”
Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay shaqadii ay Dowladda Federaalka ka qabatay Galmudug in ay ka dhalatay saluug badan oo laga muujiyay.
“Dowladda Federaalka howsha markii ay qabatay run ahaantii saluug badan baa jira maanta, oo uu ugu dambeeyay warkii shalay ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
Waxa uu intaa ku daray “Galmudug ma dhiman Madaxdiisii, Wasiiradii, Xildhibaanadii iyo Madaxweynihii waa jooggaan, cidlo maaha, waxaana rajeynaynaa haddii wax la dhisana inaan ka noqono udub dhexaad.”
Waxaa uu ka dhawaajiyay in soddonkii sano ee ugu dambeeyay sanadkiiba ay ku bixi jirtay soddon illaa afartan malyan oo dollar, wax la yiraahdo buu yiri dib u heshiisiin, balse aan dib u heshiis ahayn oo siminaar uu yahay.
“Waxaa kaloo aad iyo aad muhiim u ah Somaliya soddonkii sano ee la soo dhaafay waxaa dhici jirtay sanadkii 30 illaa 40 malyan oo dollar baa waxay ku baxdaa dib u heshiisiin wax la yiraahdo. Dib u heshiisiintaasi waa siminaar, workshop iyo NGO wada.” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.
Xaaf ayaa xusay inay bedelayan magaca dib u heshiisiin oo ay u bixinayan dhab u heshiisiin, inaysan dhalanteed noqonee ee buu yiri dhab noqoto.
“Dib u heshiisiinta maanta waa ka bedeleynaa magacii, waxaan ka dhigeynaa dhab u heshiisiin, inaysan dhalanteed noqonee dhab noqoto, oo wax dhaba lagu heshiiyo.” Ayuu yiri Xaaf.
Hadalka Xaaf ka soo yeeray ayaa ku soo aadaya, xilli Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ay Talaadadii ku dhawaaqday in uu burburay heshiiskii ay la gashay Dowladda Federaalka Somaliya.











