Qaar Kamid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadda oo Cambaareeyey Weerar Lagu Qaadey Xarunta Shirkada Hormuud ee Caws-Qurun.

0
1257

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Ahna Xiriiriyaha Xisbiyada Siyaasadda Dalka ayaa Cambaareyn Dusha uga Ridey Ciidamada Dalka Kenya oo Weerarey Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay Ku Laheyd Deegaanka Caws-Qurun ee Koofurta Soomaaliya.

Gudoomiyaha Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa Sheegay In Arinkani uu Soo Noq Noqdey,Loona Dulqaadan Karin Wax Kabadan Intaas Dadkii Deegaankuna ay Dhibaato Balaaran Gaarsiiyeen Ciidamada Dalka Kenya Maantana ay Dadka Deegaanka Caws- Qurun Noloshoodi Halis Ku Jirto Maadaama ay KuXirantahey Isgaarsiinta,Anagoo Ka War heyna In Shirkado Isgaarsiineed oo Laga Leeyahey Dalka Kenya ay Loolan Ganacsi ka Wadaan Deegaanadaas Hadana Waxaan Leenahey Hantida Shirkadaha Soomaaliyeed Waa Haantida Dadka Soomaaliyeed Mana Ogolin In Wax Loo Dhimo ama La Khal Khal Geliyo Ganacsigooda.

Ugu Danbeyntii Ayaa Xiriiriyaha Xisbiyada Siyaasada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux Timajilic Waxa uu Dawladda Federalka iyo Dawladaha Daneeya Arrimaha Soomaaliya Ugu Baaqey In Baaritaan Xoog leh Lagu Sameeyo Cidda Ka Danbeysa Weeraradan Soo Laa Laabtey ee Lagu Beegsanayo Hantida Shirkadaha Soomaaliya,Lagana Hortago Kuwo Kale.