Wakiillada Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kimaayo ayaa ka digay in haddii aan xaaladda cakiran xal loo helin ay xasillooni-darro u horseedi karto maamul gooleedka Jubbaland. Xubnaha ayaa ku baaqay in hannaan keliya loo maro doorashada.
Dhanka Kale Qaar Kamid ah Madaxda Axzaabta ayaa Ka Digey In Colaad Loo Horseedo Dadka Deegaanka Jubaland oo Markii Horaba Khaati Ka Taagnaa Duruufaha Amni Dhaqaale iyo Horumarka Bulshada.
Xiriiriyaha Axzaabta Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa Isaga oo La Hadlayey Warbaahinta Sheegay In ay Ku Talinayaan Isu Tanaasul iyo Isfaham in ay La Yimaadaan Dhinacyada Doorashada Jubaland oo aan Looga Sii Darin Xaaladdu Halka ay Hadda Mareyso.
War-saxaafadeed kasoo baxay xubnaha ayaa ka dambaysay markii ay magaalada Kismaayo shalay kula kulmeen madaxda siyaasadda ee maamulka Jubbaland iyo kuwa mucaaradka.
Xubnahaasi waxaa ay dhinacyada ugu baaqeen in ay ka fogaadaan wixii keeni kara gacan ka hadal, isla markaana khilaafkooda ay ku xalliyaan si nabadgelyo ah.
Waxaa muuqaneysa in wali is afgarad buuxa aan laga gaarin khilaafka ka dhashay doorashada iyo sidii laga yeeli lahaa musharixiinta wali doonaya in ay ka qeybgalaan doorashada laakiin guddigu ay ku xireen sharuudaha adag.
Doorashada hoggaanka maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa inay dhacdo 19-ka bishan Ogosto, hase ahaatee musharrixiinta mucaaradka ayaa iyagana laga cabsi qabaa inay doortaan hoggaan u gaar ah.













