Magaalada Dh/mareeb oo La Sheegay In Shirka Dib u Heshiintu Ka Furmayo 17ka Bishan.

0
247

Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in 17ka bishan uu ka furmo shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug.

Ergadii ugu horeysay oo Dhuusa-Mareeb gaartay ayaa waxaa qaabilay  xubnaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, iyaga  oo kala hadlay sidii uu si wanaagsan ugu qabsoomi lahaa shirka.

Odayaasha iyo Waxgaradka Magaalooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Guriceel  ayaa waxaa ay ka dalbadeen Odayaasha Dhaqanka ee degmooyinka kale in ay  shirkaasi ka qeyb galaan,isla markaana uu muhiim u yahay danta dadka ku  nool deegaannada Galmudug.

Ammaanka magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana magaalada si wadajir ah Ammaanka u sugaya ciidamada Militariga, Nabadsugida iyo Booliiska Soomaaliya oo dhawaan halkaasi la geeyay.