Allaha u naxariistee Ali Aden Marguus oo ahaa ganacsade Caan ka ahaa magaalada baydhaba horeyna usoo noqday wasiir iyo xildhibaan ayaa maanta lagu dilay magaalada Baydhaba iyadoona ay goobta ka baxsadeen kooxihii dilkaasi geestay.
Ganacsadahan ayaa markii uu dilkiisa dhacayay waxa uu ku sugnaa beertiisa oo ku tiilay magaalada Baydhabo,iyadoona goobta uu dilka ka dhacay ay soo gaareen ciidamada amaanka maamulkaasi waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano la xiriira dilkaasi
Ma Jirto Ilaa iyo haatan cid sheegatay dilka ganacsadaahi marka laga reebo warar sheegayo in dilkiisa uu la xiriiro muran dhuleed kala dhaxeeyay kooxaha loo maleynayo inay dilkaasi u geesteen.











