Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow oo caawa ah laga maqlay jug xoogan, oo baqdin ku abuurtay bulshada ku dhaqan Bartamaha Caasimadda.
Wararka ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay afaafka hore ee Xerada Afisyooni, oo ku dhow Suuqa Beerta Waxaan qaraxaasi lala eegtay gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska.
Ma cada Weli in qaraxa uu ahaa mid wadada dhinaceeda lagu sii diyaariyay iyo inuu ahaa mid gaarigaasi lagu soo xiray.
Dad Goobta Ka Agdhawaa ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa uu haleelay gaariga, uuna jiro burbur gaariga ka soo gaaray qaraxaasi.
Saraakiil Booliska ka tirsan ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin askar wax ku noqotay qaraxaasi, balse ma jirto cid ka madaxbannaan oo arrintaasi xaqiijin karta.
Qaraxan waxa uu ku soo beegmayaa, xilli Taliska Booliska uu maanta sheegay in la adkeeyay amniga Magaalada Muqdisho, iyadoo berrito lagu wado in magaalada lagu aaso Gudoomiyihii Gobolka Banaadir & Duqii Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).











