Booliska Soomaaliya oo Sheegay In Maalmaha TACSIDA Amniga Muqdisho La Adkeyn Doono.

0
523

Iyadoo lagu wado in maalinta berri ah magaalada Muqdisho laga soo dajiyo meydka guddoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdirxamaan Cumar Cismaan Yariisoow ayuu taliska Booliisku sheegay in la adkeyn doono Amniga magaalada Muqdisho.

Generaal Maxamed Xuseen Madaale ayaa sheegay in Aaska iyo maalmaha baroor diiqda intaba la adkeyn doono guud ahaanba Amniga magaalada Muqdisho, heegan buuxana la galin doono dhamaanba hay’addaha kala duwan ee nabad-galyada.

Generaal Madaale ayaa sheegay in aas qaran loo sameynayo guddoomiyihii gobolka isla markaana inta lagu guda jira maalmaha baroor diiqda in la adkeynayo amniga dalka gaar ahaana kan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddiga qaban-qaabada Aaska Duqii hore ee Muqdisho ayaa sheegay in maalinta berri ah laga keeni doono meydka magaalada Doha ee dalka Qatar oo uu ku geeriyooday Khamiistii shalay.