Dowladda Federaalka Oo Shaacisay Cida Heshiiska Ka Baxday In Ay Tahay Ahlu Sunna.

0
566

 

Wasiirka arrimaha gudaha, iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob ka mid ah 10-kii qodob ee dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay wada saxiixdeen.

Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in dowladdu ay ku dadaaleyso in reer Galmudug ay helaan dowlad gobaleed loo dhanyahay ayaa caddeeyay dowladdu ay mar waliba u taagantahay fulinta dhammaan 10-ka qodob ee lagu wada heshiiyay

Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay Ahlu Sunna waxaa wada saxiixay  Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka iyo madaxa fulinta Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ururka Ahlu sunna waljamaaca oo shalay warsaxafadeed soo saaray ayaa dowladda a federaalka Soomaaliya ku eedeeyeen in ay duulaan qaawan ku soo qaaday degaamada Galmudug, islamarkaana ay ka baxeen heshiiskii ay la galeen dowladda.