Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Howlgallo Amni Ka Wada Awdheegle.

0
587
Ciidamada

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa howgallo ka wada deegaano iyo tuulooyin ku xeeran degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay dhawaan ka saareen dagaalyahanada  Al-Shabaab Oo Iyaga Halkaasi Maamuli Jiray.

Xalay ayaa Kooxo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku soo qaadeen fariisimaha ciidamada dowlada federaalka dhawaan ay ka sameesteen Awdheegle kadib markii ay kala wareegeen kooxda al-shabaab waxaana halkaasi ka dhacay dagaal faraha leesla galay.

Saraakiisha ciisamada xooga dalka ee dowladda soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabab ay dileen intii ay howlgalladan socdeen, oo afar ka mid ahna ay ku dileen dagaalkii xalay

Dhinaca Kale xarakada al-shabaab ayaa dhankooda waxa ay guulo ka sheegteen weerarkii ay xalay ku qaadeen ciidamada xooga dalka ee dhawaan la wareegay deegaanka owdheegle iyagoona sheegay in ay waxyeelo xoogan ay soo gaarsiiyeen ciidankaasi

Ma jiro ilo ka madax banaan laba dhinac guulaha ay kala sheeganayaan kaasoo sheegaya qasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray dagaalyahanada al-shabaab iyo ciidamada dhawaan fariisamiha ka sameestay owdheegle.