Ciidamada AMISOM ee La Geeyey Dh/mareeb oo Saraakiisha Ciidamada Dawladdu Ka Hadleen

0
584

Saraakiisha dowladda Somaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay ciidamada AMISOM ee gaaray degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug.

Taliyaha ciidanka qeybta 21-aad Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa sheegay in ciidamada ka socda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ka caawin doonaaan sugida amniga degmada iyo guud ahaan deegaannada Galmudug.

‘’’Ciidamadan Hiil-Walaal ee ka socda Jabuuti kana tirsan AMISOM waxey halkan u yimaadeen in ay naga caawiyaan Amniga dhibaato kale ma jirto, waa been abuur wararka la leeyahay ee ah halkan lagama jecla, waa walaalaheen gacan ayeeyna na siinayaan’’ ayuu yiri taliyaha.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidanka AMISOM ay ka howlgali doonaan goobo muhiim ah oo ku yaalla Magaalooyinka Galmudug.

Taliyaha ciidanka Jabuuti ee AMISOM ee gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa dhankiisa sheegay in ay caawin doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb.

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay sugida amniga degmada Dhuusa-Mareeb, waxaana xusid mudan in ciidamadii Ahlu Suna ee horay deegaannadaa u joogay hadda ka mid noqdeen ciidamada dowladda.