Al-shabaab Oo Beeniyay Wararka Sheegaya In La Qabtay Sarkaal Ka Tirsan Xafiiskooda Warfaafinta.

0
522

Al-Shabaab ayaa beenisay hadal kasoo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Dowlada soomaalia kaasoo lagu sheegay in la qabtay sarkaal ka tirsan xafiiska warbaahinta Shabaabka.

Sarkaal sare oo ka tirsan warfaafinta Al-Shabaab oo ayaa sheegay sheegashada sirdoonka DF oo ay ku shaaciyeen in ninka sawirkiisa lasoo dhigay baraha internetka ee lagu sheegayo inuu yahay sarkaal iyaga katirsan uusan ka tirsanayn xafiiskooda.
“Ninka ay sirdoonka riddada soomaaliya sawirkiisa kusoo bandhigeen baraha internetka ee ay ku sheegayaan inuu yahay sarkaal ka tirsan warbaahinta Mujaahidiinta ma ahan waxa ay ku sheegayaan kama tirsana weligiisna kama mid noqonin xafiiska warfaafinta Mujaahidiinta, wax xiriir ah oo kala dhexeeya xafiiska wafaafintana haba yaraatee ma jiro” sidaas waxaa yiri sarkaalka u hadlay al-shabab.
Sarkaalka la hadlay warbaahinta ku hadasha afka shabaab ayaa intaas ku daray in ninka la sheegay in uu xafiiskooda ka tisanyahay uusan wligiis kamid noqon hawlwadeenada xafiiskaas, wax aqoon ah oo ay uleeyihiina haba yaraatee aysan jirin.

Warbaahinta ku hadasha afka dowlada ayaa maalmihii lasoo dhaafay baahinayay  warar ay ku sheeganayaan dilka mas’uuliyiin ka tirsan Shabaab si ay ugu daboolaan fashilka dhanka Amniga iyo siyaasada ee ka haysta gudaha iyo dibadda intaba.