Xukuumadda Soomaaliya oo Markii ugu Horeysey Ka Hadashey Garsoorka Al-shabaab iyo Sababta Dadku u Aadaan.

0
475

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta badan bulshada ku dhaqan deegaannada ay maamusho garsoor iyo cadaallad ugu doontaa deegaannada kale oo ay ka arimiyaan Al-shabaab.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa sheegay in arintan ay salka ku heyso cabsi ay dadka ka qabaan sida uu hadalka u dhigay Al-shabaab, laakiin waxaa uu meesha ka saaray in garsoor ka wanaagsan kan dowladda uu ka jiro maxkamadaha ay Al-shabaab ku leeyihiin dhulka ay xukumaan.

Dooddiihii ugu danbeeyay ee baarlamaanku uu ka yeeshay amniga dalka ayaa lagu soo qaaday in dhibaato weyn uu ka jiro garsoorka dalka, taana ay keentay in dadku marka ay arin isku qabtaan cadaallad iyo garsoor ka raadiyaan maxkamadaha Al-shabaab, iyaga oo eeda arintaa dusha uga tuuray xukuumadda hadda jirta.

‘’Dowladda waxaa ay mas’uuliyad ka saran tahay ilaalinta amniga muwaadinka Soomaaliyeed, dhaliilasha arintan ku saabsan waa la wada leeyahay xukuumad ioy baarlamaan intaba, bulshadana waxaa laga doonayaa in ay iska diidaan awaamiirta Al-shabaab’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare ku-xigeenka.

Al-shabaab ayaa dadka dacwadaha isku heysta ka soo waca talleefoonno iyaga oo ugu baaqa in ay yimaadaan maxkamadaha ku yaala deegaannada ay maamulaan, inta bandanna dadka qaar iyaga ayaaba dacwadahooda u gudbiya, waxaana deg deg loogu yeeraa darafka kale ee dacwadu ku socto halkaa oo ay ku soo kala baxaan labada dhinac-ba.

warsom2011@gmail.com