Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya iyo Xisbiyada Siyaasadda ee Diiwaangelinta KMG ah Haysta oo Shaki Soo kala Dhex Galey.

0
669

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya iyo Xisbiyada Siyaasadda ee Diiwaangelinta KMG ah Haysta Maxaa Ka Dhaxeeya?Yaase La Xisaabtamaya Gudiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya?

                              Kulan ay Isugu Yimaadeen Qaar kamid ah Xisbiyada Diiwaan Gashan ayaa Waxaa lagaga Doodey Habka iyo Hannaanka ay u Shaqeeyaan Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya iyo Waxa ka Dhaxeeya Gudiga iyo Xisbiyada Iyadoo Ugu Horeyn Laysla Qaatey In Gudiga Xisbiyadu La Xisaabtamaan Ishana ku Hayaan Hawlaha Gudigu Fulinayo Sida Ay uga Hufanyihiin Musuq Maasuq iyo Karti Darro Maadaama Laga Rabo Mustaqbalka in ay u Caddaalad Falaan Umadda Soomaaliyeed iyo Dhamaan Qeybaha Siyaasada Mucaarad iyo Muxaafidba,dhexdhexaadna u ahaadaan Dawladda ama Xukuumadda Talada Haysa iyo Qaybaha kale ee Bulshada.

Shirka Ayaa Waxaa lagu Qaadaa Dhigey Doorasho 3 kursi ee Barlamaanka oo ay dhawaan Ku Qabteen Maamul goboleedyada Hirshabeele,Jubaland iyo Galmudug,iyadoo La wada Qirey Xildhibaanada Kurastaas Kusoo baxey in ay ahaayeen Dhinac kaliya oo Xukuumadu Riixeyseyayna soo Baxeen Sadex Xildhiban oo Xukuumada Rw/Khayre Raali ka tahey,Wixii la Doonaba hala adeegsadee,Taasina ay ka Dhigantahey in Gudigu ku Milanyihiin Xukuumada,una xaglinayaan Dhankeeda,Mustaqbalkana ay sidaasi u Shaqeyn doonaan Maadaama Baa layiri ay Dawladda Mushaar u Doontaan isla Markaasna aysan Haysan Dhaqaale ka madaxbanaan Qaybta Fulinta Dawlada.

Sidoo kale Waxaa lasoo Qaadey Sida ay u Maamulayaan Safarada iyo Siminaarada Xisbiyadu ka Qayb galaan,iyo Ka Qayb galka Shararka Looga Hadlayo Hanaanka Doorashooyinka 2020ka ee ay Qabanayaan Wasaaradaha Xukuumadda Sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasaaradda Dastuurka,Wasaaradda Amniga,Labada Aqal ee Barlamaanada IWM.

Waxaana Ugu danbeyntii Lagu Dhaliiley Gudiga iyo Guddoonkiisu in ay Jecelyihiin in Sidey dooaan Yeelaan iyagoon Cidna La Tashan Safarada Cidda ay rabaan Kaxeystaan Cidda ay Rabaan u Diidaan Safaro u Diyaarsanaa Taas oo Xisbiyadu ku Tilmaameen Wax aad looga Xumaado isla Markaasna aan La Aqbali karin Sida Safarkan Hada ugu Danbeeyey ee ay Hugaamineysey Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) iyadoo Tobanka xisbi ee illaa hadda Diiwaasani aaney Wax talo ah ku laheyn Gudoonka guddiguna Dafireen jiritaanka Safarkaas in ay ogyihiin,Tiro 40 Qof ahna aaney Xisbiyadu ku yeelan karin Labo iyo sadex Xubnood.

warsom2011@gmail.com