Tan iyo Intii Xilka Loo Dhaariyey Muuse Biixi oo Safarkiisii ugu Horeeyey ku Tagey Dalka Jabuuti.

0
595

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyey ku tagay dalka Jabuuti.

Qoraalka madaxtooyada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in marti qaad rasmiya uu ka helay madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle, waxaana maalmaha soo socda ku sugnaan doono dalka Jabuuti.

Madaxweynaha ayaan warbaahinta la hadal markii uu dhoofayey, haseyeeshee qoraal kooban oo xafiiska madaxtooyada ka soo baxay ayaa lagu sheegay inuu marti qaad ka helay madaxweynaha Jabuuti.

Weftiga madaxweynaha waxa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska, Md. Yaasiin X Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Caddaalada, Md. Cabdiqani Maxamuud Cateeye, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Imaan iyo Taliyaha Ciidanka Badda Somaliland, Sareeyo guuto Cabdi Xirsi Ducaale.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa qaarkood dhaliileen inuu safarkiisa ugu horeeyo ku tago Jabuuti, iyagoo door bidayey inuu ku horeysiiyo Imaaraadka Carabta ama Itoobiya oo uu Jabuuti dambaysiiyo, waxaana maalmihii ina dhaafayey la hadal hayey safarkiisa ugu horeeya halka uu u anbobixi doono.

warsom2011@gmail.com