Kooxda Kurdiyiinta ee (YPG) ayaa waxay sheegeen in tan iyo xalay 70 duqayn ay halkaasi ka dhacday.
Turkiga ayaa muddo bilooyiin ah waxa ay ku hanjabayeen in dagaalyahanada YPG ay ka saari doonaan magaalada Afrin, oo ay haysteen tan iyo 2012.
Dowladda Turkiga ayaa u aqoonsan dagaalyahanada YPG in ay yihiin koox argagixiso ah.
Wasiirka gaashaandhiga Turkiga Nurettin Canikli ayaa sheegay in duqaymahani ay qayb yihiin qorsho duulaan dhulka ah oo ay Turkiga ku galayaan magaalada Afrin.
Dowladda Suuriya ayaa ka digtay in ay Turkiga so faragaliyaan Suuriya, waxa ayna ku hanjabeen in ay soo ridi doonaan diyaaradaha dagaalka ee Turkiga.
Ruushka ayaa ah saaxibka ugu wayn ee madaxwayanha Suuriya Bashar al-Assad.
warsom2011@gmail.com









