Guri ku Yaal Degmada Kaaraan oo Ciidamada Dawladdu ka Heleen Muqadaraad lagu Sameyn jirey(CARAQ).

0
588

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay goob lagu farsameyn jiray waxyaabaha maanka dooriya oo ku taal degmada Kaaraan.

Ciidamada ayaa xiray raggii karin jiray Calaqa iyo dad ka iibsan jiray oo si suuq madow u gelin jiray magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in goobtan ay ka mid aheyd goobaha ugu weyn ee magaalada lagu diyaariyo Calaqa oo nooc ka mid ah waxyaabaha maanka dooriya.

Goobta lagu diyaarinayay wax-yaabaha maanka dooriya ee calaqa ayaa loogu tagay fuustooyin caag ah oo ay ka buuxeen calaq fara badan.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan C/fataax Yaanyo ayaa sheegay in goobtan ay aheyd xaruntii ugu weyneyd ee lagu sameeyo waxyaabaha maanka dooriyo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in maan-dooriyaha qeyb ka yahay falalka amni daro ee dalka ka jira.

warsom2011@gmail.com