Dawladda Federalka Soomaaliya oo Faah Faahin ka Bixisey Weerarkii lagu Galey Guriga Samatar CabdiQeybdiid.

0
388

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisow ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar shalay ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya ku qaadeen Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Dowlada Soomaaliya ay si deg deg ah uga falcelisay weerarka lagu qaaday Guriga Senataro Cabdi Qeybdiid, waxaa uuna xusay in la xiray ciidamadii Gurigaasi weerarka ku galay.

Wasiirka ayaa sheegay in la bilaabay baaritaano deg deg ah oo ku aadan weerarkaasi iyo cidii ka dambeysa, waxa uuna tilmaamay in gacanta lagu hayo baarisna ku socoto saraakiil iyo ciidamo weerrakaasi la tuhmayo in ay ka dambeeyeen .

“Falkaasi Dowladda Soomaaliya aad bay uga xuntahay,,Shacabka Soomaaaliyeed waxaan u sheegaynaa in aan laga daba hari doonin dadkii falkaasi ka dambeeyey,waxaa baaritaan ku socda oo xiran tiro isugu jirta saraakiil iyo ciidamo ila 41 qof ah,waa arrin ugub ah oo qal qal keeni karta, Madaxweynaha,Ra’iisul Wasaaraha,Wasiirka Gaashaandhiga dhamaan madaxdu aragti midaysan ayay ka qabaan falkaasi dhacay” ayuu yiri Eng Yariisow.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan xogta iyo natiijada kasoo baxda baaritaanka lagu sameenayo weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qeybdiid.

Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarkii ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Imaaraatka tababareen shalay ku qaadeen guriga Senator Cabdi Qeybdiid.

warsom2011@gmail.com