Saraakisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in xoogagga Al-Shabaab ay dajiyeen qorsheyaal halis ah oo dhanka Sirdoonka ah,sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Sirdoonka Kenya.
Joseph Kanyiri oo ka mid ah saraakiisha Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab ay diyaariyeen haween sida uu hadalka u dhigay ay geyn doonaan gobollada Soomaalidu degto ee Waqooyi Bari Kenya.
Joseph Kanyiri ayaa intaa ku daray in haweenka ka tirsan Al-shabaab loogu talagalay in ay xiriir saaxiibtimo la yeeshaan ciidamada Kenya si ay u helaan xog dhanka sirdoonka la xiriirta.
Sargaalkaan u hadlay ciidamada Kenya wuxuu sheegay in Horay Al-shabaab ay Talaabadaan oo kale sameeyeen islamarkaana ay dumar u adeegsadeen basaasnimo si ay gudaha Kenya xog uga helaan.
Al-shabaab ayaa weeraro isugu jira Qaraxyo iyo mid toos ah intaba ka geystay gobolka Waqooyi Bari Kenya,waxaana kii ugu saameynta badnaa uu ahaa weerarkii ka dhacay Jaamacadda Magaalada Gaarsisa 2015.
warsom2011@gmail.com









