Gaari La Sheegey in ay Saarnaayeen Saraakiil ka Tirsan Al-shabaab oo Duqeyn Cirka ah lala Beegsadey G/SH/Hoose.

0
345

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in diyaarado duqeyn ka geysteen Tuulo dhinaca Koofureed ka xigta Magaalada Muqdisho waxaana duqeyntan lala beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas.

Duqeyn ay geysteen diyaarado aan la Aqoon halka laga leeyahay ayaan la aqoon khasaaraha ka dhashay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay duqeyntan in ay ka dambeeyeen hase ahaatee dowlada Maraykanka ayaa kordhisay duqeyntii ay ka geysanayeen dalka Soomaaliya.

Guddoomiye Ku- xigeenka gobolka Sh/hoose Cali Nuur ayaa u sheegay Reuters in duqeyntan lala beegsaday Gaari ay saarnaayen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo marayay meel ku dhow deegaanka Ilimey oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Afhayeenka ciidamada Al-shabaab ayaa beeniyay in la duqeeyay gaari ay lahaayeen Al-Shabaab balse waxa uu sheegay in goob lagu ganacsado ay gantaalo ku dhaceen ayna ku dhinteen illaa 7 ruux oo rayid ah qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

warsom2011@gmail.com