Dawladda Dalka Turkiga oo SHeegtey in ay Bariga QUDUS Safaaradda Turkiga laga Furi Doono si Dhaqso ah.

0
486

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axadi maanta sheegay in Dowladiisu rajeyneyso in ay safaarad ka furato caasimada Falastiin ee Bariga Quddus, mustaqbalka.

Wuxuu sheegay in Bariga Quddus ay hadda heysato Israel sidaasi daraadeedna aysan ka furan karin wax safaarad ah, balse ay rajeynayaan in ay soo dhawaatay maalmihii ay sida rasmiga ah u furan lahaayeen safaaradooda Falastiin.

Hadalkan ayaa imanaya maalmo yar kaddib marki uu Erdogan ku martigeliyay magaalada Istanbul shirka dalalka Islaamka, kaasoo looga soo horjeestay go,aanki uu madaxweyne Donald Trump Quddus ugu aqoonsaday caasmada Israel.

Bariga Quddus ayaa waxaa qabsatay Israel sanadki 1967, kadib dagaal ay la gashay dalalka Carabta.

Turkiga wuxuu hadda qunusuliyad ku leeyahay magaalada Quddus, waxaana uu xiriir diblamaasiyadeed buuxdo la leeyahay Israel.

warsom2011@gmail.com