Maalintii Labaad oo Shirka Wada Tashiga Qaran Galey/waa maxey Ajendaha shirku?.

0
432

Waxaa maalintii Labaad gallay oo magaalada Muqdisho ka soconaya shirka dowladda federaalka iyo madaxweyne gobolleedyada oo maalintii shalay uu si rasmi ah u daah furay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wajigii hore ee shirka maalintii shalay ayaa looga wada hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen xaalada guud ee dalka, Amaanka iyo waliba hagaajinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada.

Shirkan oo ah mid ujeedadiisa ugu weyn tahay sidii leysugu soo dhaweyn lahaa dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada dalka ka dhisan ayaa la filayaa in ugu danbeyntii la filayaa in maalinta berri ah la soo gabagabeeyo iyadoo laga soo saardi doono war-murtiyeed loo dhan yahay.

warsom2011@gmail.com