Suuqbacaad oo Caawa Dab Xoogan ka Qarxey/yaa ka danbeeya Dabka Suuqyada kusoo noq noqonaya?.

0
660

Dab xoogan oo goor dhaw ka dhacay Suuqa Bacaad degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, ayaa lagu waramayaa in uu ku sii fidayo goobo hor leh oo ka mid ah isla suuqa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dabkan oo markii hore ka kacay qeybta dharka lagu iibiyo uu hadda ku sii fidayo qeybo kale oo isla suuqa ah, waxaana goobta ku sugan dadweyne isaga kala yimid xaafaddaha magaalada Muqdisho iyo ganacsatada oo ku howlan sidii ay albahooda uga badbaadin lahaayeen.

Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay dabkan balse waxaa goobtaas gaaray gawaarida dab damiska ah ee maamulka gobolka Banaadir.

Wixii ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa..
warsom2011@gmail.com