Barlamaanka Aqalka Sare oo Guddi u Saarey Dhacdadii Bariire ee Gobolka SH/hoose.

0
390

Kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya waxaa lagu magacaabay guddi baaritaan ku sameeya dhacdadii ka dhacday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha hoose.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka, ayaa guddigaan u xilsaaray weerarkii Bariire, kaddib markii qaar kamid ah xubnaha aqalka sare ay ka hadleen dhacadadii dadka lagu laayay.

Guddigaan ayaa waxaa hoggaaminaya guddiyadda Amniga iyo arrimaha gudaha baarlamaanka Aqalka Sare.

Baarista kadib ayuu sheegay guddoonka aqalka sare in ay soo saari doonaan warbixin la xiriirta sidii uu dhacay weerarkii ay ku dhinteen dadka rayidka ah.

Waa guddigii labaad ee loo xilsaaro dhacdadii ka dhacday deeaanka Bariire, waxaana guddi ay ku jiraan wasiiro u magacaabay xukuumadda Soomaaliya.

warsom2011@gmail.com