Dad la sheegey in ay Al-shabaab xiriir la leeyihiin oo Ciidamada Kenya xir xireen.

0
547

Ciidamada nabad-galyada dalka Kenya gaar ahaa qeybta la dagaalanka argagixisada ayaa warbaahinta u sheegay in ay qabteen Lix ruux oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab.

Dadkan ayaa lagu qabtay howlgal ay si gaar ah u fuliyeen ciidamada booliska oo ka dhacay magaalo xeebeedka Malindi ee dalka Kenya.

“Waxaan xirnay Lix ruux oo aan ku hayno cadeymo muujinaya in ay xiriir toos ah lala leeyihiin Al-shabaab, marka dhawaan sharciga ayaan horkeeni doono ,inta badan cadeymaha waxaana ka helay todobo teleefan oo ay wateen” ayuu yiri taliyaha ciidamada magaalada Malindi Muchangi Matawa.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay taliyaha in lixdaan qof dhalinyarada ku nool magaalada ay ku tashkiilin jireen in ay ku biiraan Al-Shabaab.

Ugu danbeyntii, tuhmaanayaasha ay gacanta ku dhigeen ciidanka booliska Kenya ayaa waxaa ka mid ah haweenay la aaminsan yahay in gabdhaha Kenya ay ku biirin jirtay Al-Shabaab ,islamarkaan ay kasoo gudbin jirtay xadka Soomaaliya.

warsom2011@gmail.com