Barrow ayaa isbuucii la soo dhaafay lagu dhaariyay dalka Senegal, kadib markii uu diiday Yaxye Jammeh in uu xafiiska baneeyo.
Hogaamiyayaasha galbeedka Afrika ayaa ku qanciyay madaxweynihii hore ee dalkaasi Yaxya Jammeh in uu xilka baneeyo todobaadkiii la soo dhaafay.
Waxaa uu hada ku sugan yahay dalka Equatorial Guinea, iyadoo ka bixitaankiisii caasimada Banjul ay fursad u noqotay madaxweynaha cusub in u si nabad ah dib ugu soo laabto dalkiisa.
Barrow ayaa laga dalbaday inuu si deg deg ah dalkiisa ugu noqdo si looga baaqsado in dalku uu hogaamin waayo.
Kumannaan ciidammo ka socdo dalalka galbeeda Afrika ayaa ku sugan dalka Gambia iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ciidammo wali taabcan jammeh ay ka tirsan yihiin xooggaga amniga Gambia.
Madaxweyne Barrow waxaa safarkiisa ku wehlin doono ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan galbeedka Afrika Maxamed ibn Chambas oo sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan siin doonto dowladda Gambia sugidda amniga.
warsom2011@gmail.com









