Magaalada Baraawe oo uu maanta gaarey M/weynaha K/galbeed SHariif Xasan SH Aadan.

0
894

Madaxweynaha maamul-goboleedka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo hadda ku shaqeeya Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa la filayaa inuu xarigga ka jaray xarunta madaxtooyada Koonfur-galbeed oo dhawaan laga dhisay degmada Baraawe. Iyadoo amaanka si aad ah loo adkeeyay, waxaana wafdiga ay kulammo la qaadanayaan bulshada degmadaas ku nool.

Dhanka kale, maamulka Koonfur-galbeed ayaa lagu wadaa inuu degmada Baraawe u soo guuro, si uu ugu shaqeeyo, maadaama la dhameysitray dhismaha xaruntiisa madaxtooyada.

Ugu dambeyn, Degmada Baraawe ayaa sannadkii 2014-kii laga saaray Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinaysay, waana magaalo xeebeed aysan si aad ah uga fogeyn Al-shabaab.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak