Deegaanka Ceel Cali oo ay ku dhaawacmeen qarax miino Askar ka tirsan DFS.

0
738

Saddax ruux oo labo ka mid ah la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qarax miino deegaanka Ceel cali ee galbeedka gobolka Hiiraan.

Askartaan dhaawucu soo gaaray, ayaa la sheegay inay xilligaa at ku sugnaayeen koontarool lacagaha lagu qaaday, waxaana dhaawacooda lagu dabiibayaa isbitaal ciidamada AMISOM ku leeyihiin dulleedka magaalada Beledweyne.

Ugu dambeyntii, Ruux kale ee dhawacmay ayaa ah ruux shacab ah, sida at Warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak