Wada hadallo lala galo Bashaar Al-asad oo mucaaradka SYRIA shuruud ku xireen.

0
694

Mucaaradka kasoo horjeeda xukuuumadda Suuriya ayaa shir ay ku yeesheen Saudi Arabia waxay kasoo saareen qodobo ay sheegeen in la fuliyo ka hor inta aanay wadahadallo la furin xukuumadda uu hoggaaminayo Bashar Al-Assad.

Warbixin ay soo saareen mucaaradka ayay waxay ku baaqeen in waddanka laga sameeyo maamul cusub oo sal-ballaaran, isla markaana dimuqraaddi ah. Waxay intaa ku dareen in madaxweyne Al-Assad iyo ragga ku xeeran aanay fursad uga bannaaneyn maamulkaasi cusub.

Sidoo kale, kala qeybsanaan kulanka ayaa ka jirtay shirka ay mucaaradka dalka Suuriya ku yeesheen Saudi Arabia, iyadoo ururka Axrar Al-Shaam oo ah kan ugu weyn mucaaradka Suuriya uu ku hanjabay inuu shirka isaga baxayo.

Ururka Axrar Al-Shaam ayaa sababta uu shirka uga baxayo ku sheegay in qaar ka mid ah ragga hoggaanka u hayay shirka ay xiriir la leeyihiin maamulka Assad, taasoo ay sheegeen inay ahayd tallaabo xad-gudub ah.

Dhanka kale, Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Washington ayaa sheegay in Muwaffaq Mustafa Mohammed al-Karmoush oo sidoo kale loo yaqaanno Abu Salah iyo laba sarkaal oo ka tirsan ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka, lagu dilay duqeyn ka dhacday gudaha Suuriya.

Ugu dambeyn, Abu Salah ayaa ururkaas u qaabilsanaa dhanka Maaliyadda iyo bixinta kharashaadka dagaal-yahannada ururkaasi ku xiran ee jooga daafaha caalamka.