Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wakiilka dowladda Mareykanka ee arrimaha Somalia, David H. Kaeuper, iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada waddan.
Xasan Sheekh ayaa ergayga Mareykanka ee arrimaha Somalia uga war-bixiyay horumarka laga sameeyay amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada Somalia sannadihii u lasoo dhaafay.
Sidoo kale, danjire Kaeuper ayaa dhinaciisa soo dhaweeyay dadaalka dib u heshiisiinta iyo wada-tashiyada siyaasadeed ee dalka ka socda, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo ku qotoma Hiigsiga Somalia ee 2016-ka.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya iyo wakiilka Mareykanka ayaa isku afgartay in Somalia laga taageero dhameystirka barnaamijyada siyaasada, sida; dhaqaalaha iyo amniga si dalku u sameeyo dib u soo kabasho buuxda.
–