Danjire Nicholas Kay Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah ka degey magaalada Cadaada ee Gobolka Galguduud waxaan maanta lagu wadey in uu ka furmo shirka maamulka loogu samaynaayo gobolada dhexe, kaas oo aan lagu guuleysan in gelinkii hore ee maanta uu furmo, waxaana socda dedaal la doonaayo in shirka la furo salaadda casar kadib.
Nick Kay waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey guddiga farsamada ee maamulka gobolada dhexe, maamulka Ximan & Xeeb ee Cadaado ka taliya iyo Saraakiil ka socota Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh,ayaa maalintii shalay tegey Cadaado waxaana war ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha maalintii shalay lagu sheegay in Madaxweynuhu Uu furayo maalinta Arbacada ah ee maanta shirka maamulka loogu dhisaayo gobolada Dhexe.
Magaalada Cadaado Wararka aynu ka helayno ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh kulamada uu la qaatay odayaasha qaybo ka mid ah ay ku dhamaadeen is afgaran-waa ka dib markii madaxweynaha uu odayaasha qayb ku qancin waayey tirada Ergooyinka loogu tala galay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la shiray madaxda maamulka Ximan iyo Xeeb iyo odayaasha degmada Cadaado oo horay uga hor yimid go’aanka madaxweynaha ee ahaa in caasimada maamulka ay tahay magaalada Dhuusamareeb, Odoyaasha ayaa ku adkeystey in Madaxweynaha la dooran doono ku shaqeyn doono Cadaado, ama loo daayo ergooyinku in ay doortaan halka Caasimad noqoneysa, waxaana kulankaasi Uu ku dhamaadey mid wax natiijo ah aan laga gaarin.
Maamulka la dhisaayo ee loogu magacdarey Gobolada Dhexe, ayaa noqon doona mid ka kooban gobolka Galguduud iyo qayb kamid ah Mudug, waxaana dadka ka soo horjeedaa sheegayaan in uu yahay mid khilaafsan nidaamkii lagu heshiiyey ee waxa maamul goboleed noqon kara laba gobol iyo ka badan.




