Raila Odinga Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Kenya oo ka hadlaayay weerarka Jaamacada Gaarisa, ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay dayacday kaalintii kaga aadaneyd xaqiijinta Amaanka.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Dowladu ay waxbadan ka bedesho amaanka dalka, haddii aysan awoodina ay iska wareejiso xilka si looga badbaado dhibaatooyin sii baaha.
Waxa uu ku taliyay in dowladda Kenya ay wax ka badasho Hab la dagaalankeeda Argigixiso oo uu sheegay qaab Nacasnimo ah in ay u adeegsato.
“Argigixisada waxa ay bedeshay taaktiikooda dagaalka , dowladduna waa in ay darsi ka qaadataa oo ay isbedel la timaadaa” ayuu yiri Raila Odinga.
Masuuliyiinta Mucaaradka ayaa horay uga dalbaday dowladda Kenya in ay Ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliya Maadaama weeraro kala duwan ay ka dhacayeen dalkaas.
Dalka Kenya ayaa Ciidamo u soo diray Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan Howl galka Midowga Africa ee AMISOM laakiin waxa soo gelista Ciidamadaas kadib Al Shabaab ay ku ekeeyeen dalkeeda silsilado weeraro dhiig badan uu ku daatay.





