Ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Dalka Jabuuti kuna sii jeeday Magaalada Cadaado ayaa ku fashilmay in ay gaaraan Magaaladaasi ,kadib markii Ciidamo katirsan Ahlu Sunna ay u diideen in ay ka gudbaan Degmada Matabaan .
Ciidamada Jabuuti ayaa dhoor maalin kahor waxa ay ka dhaqaaqeen Saldhigyo ay ku lahaayeen Magaalada Baladweyn, waxa ayna Ciidamadan kusii jeedeen Magaalada Cadaado oo la filayo in lagu qabto shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhaxe.
Maleeshiyaad hubeesan ii katirsan Kooxda Ahlu Sunna Waljameeca oo kusugan Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa is hortaag ku sameeyay Ciidamada Dalka Jabuuti una diiday in ay ka gudbaan Degmadaasi.
Wararka aan ka heleyno Degmada Matabaan ayaa sheegaya in wadahadalo u socday Saraakiil katirsan Ahlu Sunna iyo Ciidamada Jabuuti ayaa fashil kusoo dhamaaday, waxaana Ciidamada Jabuuti lagu qasbay in ay dib ugu laabtaan Saldhigaydii ay ka yimaadeen.
Ciidamada Jabuuti oo ku hubeesnaa Dabaabadka Dagaalka ayaa saakay dib ugu laabtay Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo markii hore ay ka baxeen, mana jiro war kasoo baxay taliska AMISOM oo ku aadan arintan.





