Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Ciidamo katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Kuwa Nabad Sugida in weerar gardaro ah ku qaadeen Wasiir katirsan Maamulkooda ku sugnaa Deegaanka Jaziira.
Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Cabdifitaax Geesey oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamo katirsan Nabad Sugida Weerar ku qaadeen Wasiirka Ganacsiga Maamulkaasi Cabdullaahi Sheekh Xasan Xilli uu ku sugnaa deegaanka Jasiira ee gobalka Shabellaha Hoose.
Cabdifitaax Geesey ayaa weerarkaasi ku tilmaamay in ay aad uga xunyihiin ayna nasiib daro tahay in Ciidankii Qaranka Soomaaliya ay ku dhaqaaqaan fal nuucaas oo kala ah, waxa uuna ka codsaday Dowlada Fedraalka in Jawaaab cad ka bixiso Weerarkaasi.
Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah lagu wargeliyay in ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed lageenayo Deegaanka Jaziira, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in Ciidanka Dowlada ay bur buriyaan Astaankii Maamulka Konfur Galbeed ee laga dhisay Deegaanka Jaziira iyada oo Dowlada wax walbo lala socodsiiyay.
Ciidamo ay wataan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bur buriyay Astaankii maalin kahor Maamulka Koonfur Galbeed ka hirgaliyeen Deegaanka Jaziira , kaa oo tilmamayay xadka ay Wadaagaan Gobolka Banaadir iyo Gobolka Sh/Hoose.






