Al-Shabaab oo Sabab u noqotay in Xilka laga qaado Gudoomiyihii Gaarisa iyo Saraakiil kale

0
465

Dowlada Kenya ayaa xilkii ka qaaday Saraakiil katirsan booliiska dalka Kenya, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay asysan waxba ka qaban weerarkii Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen Jaamacada Gaarisa oo la tilmaamay in ay ka warqabeen.

Shan Sargaal oo katirsan booliiska Magaalada Gaarisa iyo labo masuul oo kale ayaa xilka laga qaaday , waxaana Saraakiishan loo hestaa in ay gabeen waajibaadkooda shaqo ayna ka hortagi waayeen weerarkii lagu qaaday Jaamacada Gaarisa.

Saraakiisha xilka laga qaaday waxaa kamid ah ah gudoomiyaha Degaanka Garissa, Njenga Miiri oo horey madax uga ahaa deegmada Lamu, ee gobalka xeebta , halkaas oo horey kooxda Al-Shaabab ugu dileen dad ka badan 60 qof.

Maamulka Jaamacada Gaarisa ayaa la sheegay in ay codsadeen in la kordhiyo ciidanka ilaalada ka ahaa Jaamacadaasi iyaga oo ka cabsi qabay Weeraro kaga yimaadan Xarakada AL-Shabaab, waxaa sidoo kaledigniinahaasi bixiyay Jaamacado kale oo Kenya ku yaala.

Weerarka Gaarisa Al-Shabaab ka fuliyeen waxaa ku dhintay in ka badan 147-qof oo u badnaa arday wax ka Dhiganeysay Jaamacadaasi, waxa ayna Madaxda Kenya hada bilaabeen in ay xilka ka qaadaan Saraakiil iyo Masuuliyiin kale oo lagu eedeeyay in aysan waxbo ka qaban weerarkaasi.